Calendar

Ciidamo ka Ambabaxay Magaalada Kismaayo oo Gaaray Degmada Baardheere ee Gobolkaasi Gedo.

islaamiyiinta

Ciidamada iyo saanadahan militeri oo 24kii saac ee ugu danbeeyay ka ambabaxay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/hoose ayaa saacadihii ugu danbeeyay gaaray Degmada Baardheere ee Gobolkaasi Gedo, kuwaasoo la sheegay in ay kusii wajahanyihiin Dhaqdhaqaaqyada iyo abaabullada Ciidan ee maalmihii ugu danbeeyay laga dareemayay Degmada doolow ee isla gobolkaasi Gedo, halkaasoo ay ku suganyihiin Ciidamo Taabacsan Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo weliba kuwo katirsan urur Diimeedka Ahlusunna wal-jameeca.

Hase yeeshee Ciidamadani ka ambabaxay Magaalada Kismaayo oo ku hubeysan noocyada kala duwan ee Gaadiidka dagaalka ayaa waxa ay iminka fariisimo Militeri ka sameysteen qeybo katirsan Degmada Baardheere, ayadoo sidoo kalena Degmadaasi lagu arkayo kumanaan Ciidamo ah oo ka tirsan Xoogaga Islaamiyiinta oo ku sii qulqulaya Afaafka hore ee laga dareemayo Xiisadaha Colaadeed.

Lamana oga in Ciidamadani si toos ah u weerari doonaa Degmada Doolow ee ay iminka ku suganyihiin Ciidamo uu Horkacayo Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale, iyo weliba Maleyshiyaad Taabacsan Ururka ahlu-sunna-waljameeca oo ayagu Horaantii  Sanadkan qeybo katirsan gobolka Gedo Dagaal kula galay Xoogaga Islaamiyiinta ah ee ka arimiya inta badan Koonfurta Wadanka Soomaaliya.

Sikastaba ha ahaatee Ciidamadani iyo saanadahani ka ambabaxay Magaalada Kismaayo ayaa waxa Saxaafadda u xaqiijiyay qaar katirsan Saraakiisha ugu sarsareeysa dhinac amniga ee Magaalada Kismaayo, Xilli Guluf colaadeed iyo dhaqdhaqaaq militari oo aad u xoogan laga dareemayo Degmooyin katirsan gobolkaasi gedo.

 

Ismaaciil Cali Cabdi

Bartamaha-Kismayo

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: