Calendar

Ciidamo fara badan oo soo galay Beledweyn iyo Itoobiyaanka oo 7 Km u soo jira

beledweynInkastoo Ciidanka Ethiopia ay kusoo wajahan yihiin koonfurta G/hiiraan ayaa hadana waxaa maanta galinkii dambe Magaalada B/weyne soo buux dhaafiyay Ciidamo faro badan oo kamid ah maxkamadaha Islaamka ee taabacsan Dowlada KMG ah kuwaasi oo kasoo ruqaansaday xerooyin ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-gaal ee duleedka waqooyi bari kaga toosan Degmda B/weyne iyo Buurta Jento Kundisho oo ay daganaayeen iyagoo wata gaadiidka dagaalka, kuwaasi oo isku balaariyay wadooyinka muhiimka ah ee dhexmara Magaalada sida wadada isku xirta Jento iyo xarunta Gobolka labada buundo ee dadka wabiga kaga talaabaan iyadoo aan la ogayn waxa ay laxiriirto.

Warar hoose oo laga laga helaayo ilo war gal ah ayaa waxaa ay sheegayaan in wadada ay u baneynayaan Ciidanka Ethiopiya oo Magaalada hada u jira wax ka yar 7KMR dhinaca waqooyi bari ee Degmada B/weyne islamarkaasina laga fogaanayo in wax dagaal ah oo ku dhexmaro si kadis ah labada Ciidan.

Qaar kamid ah saraakiisha Ciidanka Dowlada KMG ah ee jooga Magaalada B/weyne ee G/hiiraan oo aan kala sheekaystay Ciidanka Magaalada soo galay waxa uu laxiriiro ayaa waxaa ay sheegeen in ay ka qeyb qadanayaan howlaha amaanka islamarkaasina ay wax kama jiraan ku tilmaameen in wadada ay u baneeyeen wax Ciidan ah oo ay leedahay Dowlada Ethiopiya.

Inkastoo ay siikordhayso cabsida ay qaban dadka shacabka ah ayaa hadane arintani waxa ay imaanaysaa xili maanta afhayeenka Baarlamaka Sh. Aadan Madoobe uu sheegay in 24 saac kadib ay gacanta u gashay Soomaaliya oo idil kooxo uu ku tilmaamay argaga xiso islamarkaasina Dowladaha dariska ah looga baahan yahay in ay si deg deg ah ay kusoo faro geliyaan xaalada Somaaliya.

Ibraahim Geedi
Bartamaha Wararka Soomaaliyeed |  www.Bartamaha.com
B/weyne

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: