Calendar

Ciidamo Ethiopian ah oo soo gaaray tuulooyin ku dhow Magaalada Blad-Weyne.

ethiopia_army_Bartamaha(Balad-Weyne):-Cutubyo ka tirsan Ciidamada Ethiopia ayaa xalay soo caga dhigtay tuulooyin kaabiga ku haya Magaalada Balad-Weyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ciidamada Ethiopianka ah ayaa la sheegay in ay wataan gaadiidka dagaalka iyagoo soo dagay tuulooyin dhanka Galbeed Magaalada uga beegan .

Ciidamada ayaa la sheegay in halkaasi ay ka qabteen illaa 20-qof oo dadka dagan tuulooyinkaasi ah islamarkaana ay ula dhaqaaqeen dhanka Kala Bayr wallow qaar ka mida Ciidamada ay weli joogaan tuulooyin magaalada u jira illaa 35-KM oo kaliya.

Ururka Xizbul Islaam ayaa la sheegay in ay dhankoopda difaac adag dhigeen dhammaan tuulooyinka ku dhow Magaalada Balad-Weyne iyagoo cabsi ka qaba in Ciidamada Itoobiya magaalada ay soo garaan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: