Ciidamo Ethiopian ah oo saaka baaritaano ka bilaabay Deegaanka Kala-Bayr Ee Gobolka Hiiraan.
Bartamaha(Kala-Bayr):-Wararka saaka naga soo gaaray Gobolka Hiiraan ayaas heegaya in Ciidamo Ethiopian ah ay baaritaano ka bilaabeen Kala-Bayr oo ay dhalinyaro gaadiid kala dageen.
Deegaanka Kala-Bayr ayaa laga soo sheegayaa in saaka ay yimaadeen Ciidamo xoogan oo ka tirsan Ethiopia kuwaasi oo bilaabay howlo baaritaano ah oo ay gadiidka ku samaynayaan.
Gawaarida maraysa Deegaankaasi ayaa waxaa la sheegay in ay baarayaan Ciidamada Ethiopia iyadoo la xaqiijiyay in ay la dageen in ka badan 4-dhalinyara ah oo aan la ogayn halka ay la adeen.
Ciidamada Ethiopianka ah ayaa waxa ay dadka su’alo ku weydiinayeen halka ay soo mareen iyo cidda ay ku soo arkeen iyagoo dhalinyarada ay ka shakiyaan su’aala ka weydiinayay halka ay ku wajahanyihin.
Todobaadkii la soo dhaafay ayay Ciidamadaasi isaga gureen kala-Bayr iyagoo shalay soo laabtay markii maalin ka hor ay deegaankaasi gaareen Ciidamada Xizbul Islaam taasi oo laga yaabo in ay tahay sababta dhabta ah oo ay u soo laabteen.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments