Calendar

Ciidamo Dowlada ka tirsan oo Jidgooyo dhigtay Deegaanka Xoosh Degmada Dharkenley.

AskariBartamaha(Muqdisho):-Ciidamo ka tirsan Dowlada ayaa saaka isbaaro Cusub dhigtay Wadada Xoosh Degmada Dharkenley Muqdisho.

Ciidamada ku libisay Dareeska Askarta Militariga ayaa waxa ay gaadiidka ka qaadayeen lacago baad ah iyagoo handadaad kula dhaqaaqayay Darawalada.

Isbaarada Cusub ayaa waxaa gaadiidka looga qaadayay lacago dhan 10.000-Sh.So ah xilli waliba uu soo maro gaarig ay lacagaha ka qaadanayaan Ciidamada .

Isgoyska Ex.Control oo aan u dheereen halka Isbaarada taalo ayaa Ciidamada Dowlada ay lacaga kaga qaadaan Gaadiidka Dadweynaha ee gala Degmada Dharkenley.

Darawalada gaadiidka ayaa waxa ay ka cabanayaan dhibaatada cusub iyo lacagaha looga qaadanayo Deegaanka Xoosh halkaasi oo Ciidamada Militariga ay Isbaaro dhigteen.

Xerada Ciidamada Dowlada Ee Deegaanka Xoosh ayaa ah mid uu horay u booqday Madaxweyne Shariif iyadoo ay ku xaraysanyihiin Ciidamo u badan kuwii Dowladihii hore ay lahaayeen.

Lama oga sababta ku kaliftay Ciidamada Militariga in ay Isbaara u dhi8gtaan gaadiidka Dadweynaha iyadoo dadka ay inta badan sheegeen in Xoosh la isku halayn karo ammaan ahaan maadaama ay daganyihiin Ciidamo u badan dad da’ ah oo Odayaal u badan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: