Calendar

Ciidamadii Shalay AMISOM uga geeriyootay Muqdisho oo sii kordhaya.

amisom maydad
Bartamaha(Adis-ababa):-
Afhayeeka u hadlay Ururka Midawga Africa oo lagu magacaabo Geffel Nkolokosa ayaa daboolka ka qaaday tirade Ciidamadii shalay uga geeriyooday Muqdisho ay sii korortay.

Wuxuu xusay Afhayeenkaani in iminka askarta geeriyootay ay gaarayaan ilaa 17 askari halka 40 kale ka dhaawacmeen iyo waliba sidoo kale 4 Soomaali ah oo halkaasi ku geeriyootay ayuu sheegay.

Geffel Nkolokosa waxaa uu carabka ku dhuftay oo uu khiray in baabuurta waxyaabaha qarxa laga buuxshay ee lagu weeraray Ciidamadoodu ay ahaayeen kuwo UN-ka uu ku buufsanaa horena looga qaatay Hay’adaha QM ee Soomaaliya ka howlgala.

Qaraxyadaan ayaa waxaa canbaareeyay caalamka gaar ahaan QM,Midowga Afrika, Midow Yurub iyo Dowlada KMG kuwaasoo dhamaantood muujiyay sida ay uga xun yihiin qaraxyada lagu weeraray Xarunta Ciidamada AMISOM ugu weyn ee Muqdisho iyo garoonka diyaaradaha Aadan cade ee Muqdisho .

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: