Ciidamada Xizbul Islaam oo laga saaray Isbitaalka Xaawo Cabdi duleedka Muqdisho.
Bartamaha(Xaawo-Cabdi):-Ciidamada Kooxda Xizbul Islaam ee daganaa dhismaha Isbitaalka Xaawo Cabdi duleedka Muqdisho ayaa laga saaray Isbitaalkaasi.
Ciidanka Xizbul Islama oo muddo saddex cisho ah daganaa Isbitaalka Xaawo Cabdi ayaa lagu guulaystay in lagfa dulqaado Isbitaalka markii dhawaan Isbitaalkaasi lagu dilay sargaal ka mida ah Xizbul Islaam.
Saaka ayaa waxaa laga saaray Isbitaalka Cidiamo dhawaan xoog ku qabsaday markii ay bililiqeysteen ka dib waxaana adag sidoo dhawaan loo howlgalin lahaa Isbitaalkaasi maadaama muranka uu weli taaganyahay isbitaalakana qalabkiisa ay qaateen Xizbul Islaam.
Drs.Xaawo Cabdi  oo ah masuulka ugu sareeya Isbitaalka waxaa muddo gacanta ku haystay Xizbul Islaam waxaana dhammaan gawaaridii MSF qaatay Ciidamada oo ka caraysnaa dil loo geystay sargaal ka mid ahaa Xizbul Islaam.
Isbitaalka ayaa saaka u muuqda mid xur ah wallow illaa haatan shakki xoogan uu jiro waxaana la isku haystaa w eli hantidii Isbitaalka ay ka qaateen Ciidamada Xizbul Islaam.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments