Ciidamada Xizbul Islaam oo Burburin iyo Bililiqo u geystay Internet Cafee ku yaalay Afgooye.
Bartamaha (Afgooye):- Ciidan ka tirsan kuwa Xizbul Islaam ayaa duhurnimadii maanta burburin bareer ah kula dhaqaaqay gooba ganacsi oo ku yaala Degmada Afgooye.
Ciidanka ayaa la sheegay in ay awood ku galeen dhismo uu ku yaalay Internet Caffe oo ay dhamaan burburiyeen Compiuteradii la isticmaalayay iyo qalabkii yaalay Xaruntaasi.
Ciidanka ayaa la sheegay in Howlgalkaasi ay sameeyeen xilli ay burburin ku hayeen dhismayaal ganacsi oo ku yaala Degmada Afgooye kuwaasi oo ay sheegeen in lagu dhisay wadooyinka Afgooye.
Ciidanka ayaa la xaqiijiyay in ay ku yaaceen dhismaha Internbet Caffe-ga iyagoo garaacayu dhalinyaro mxiligaasi qadka Isticmaalaysay waxaana ay butrburin kula dhaqaaqeen dhammaan qalabkii yaalay.
Saraakiisha maamulka Xizbiga oo xilli danbe saxaafada la hadlayay ayaa waxa ay sheegeen in ay ka war heleen Waxyaaba Munkar ah sida ay sheegeen oo laga daawanayay Compiuyterada yaalay Internetkaasi.
Sargaal u hadlay maamulka waxa uu la meel dhigay Internet Caffe-ga in uu la mid yahay Play Stetion-ka oo ay sheegeen in uu waqti lumis u yahay dhalinyarada sidaa darteedna uu yahay munkar sida wadaadkaas sheegay.
Isku soo duub ma aha markii ugu horaysay oo Saraakiisha Xizbul Islaam ay ku dhiiraadaan Burburinta goobaha ganacsiga gaar ahaan dhismayaasha ay yaalaab qalabka Muhiimka ah waxaana ay horay u mamnuuceen Photo sawirada oo ku taalay Degmadaasi.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Kala xiriir:-
.
.
Comments
comments