Ciidamada Soomaaliya oo hawlgallo ammaanka lagu sugayo ka sameeyay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho
Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira Boolis iyo Nabad Sugid ayaa maanta howlgallo ballaaran waxaa ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho .
Xaafadaha howlgallada ay Ciidmadan ka sameeyeen ayaa ah Xaafado ka tirsan Degmooyinka Dayniile iyo Hodan ee Gobolka Banaadir waxaa Xaafadahaasi lagu soo qab qabtay dad badan oo lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Al Shabaab.
Saraakiil k tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka u jeedkiisa uu yahay xaqiijinta amaanka iyo ka hortaga Weerarada Argigixiso oo ay sheegeen in Al Shabaab ay ka fulinayaan Magaalada Muqdisho.
Dad goobjoogayaal ayaa sheegay in saakay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo wata Gadiidka Booliska ay ku waabariisteen kuwaasi oo Dadka dhalinyarada ah ku samaynayay baaritaanno isla markaan Ciddii ay ka shakiyaan loo taxaabayay xabsiga.
Dawlada ayaa horay u ballanqaaday inay qaadayso tallaabooyin lagu xoojinayo ammaanka Muqdisho kadib marki ay soo siyaadeen weerarada ka dhacaya caasimada.
Comments
comments