Ciidamada PIS-ta Puntland oo Magaalada Gaal-Kacyo dad ku dishay.
Bartamaha(Gaal-Kacyo):-Ciidamada Sirdoonka Dowlada Goboleedka Puntland ayaa galabta gabal dhicii waxa ay Gaal-Kacyo rasaas ku furtay goob maqaahi ah halkaasi oo waxyeela ay ka dhalatay.
Gaari ay saarnaaayeen Ciidamada Sirdoonka ayaa waxaa uu rasaas ula kac u muuqatay ku furay dad ku shaahayay goob maqaahi ah Bartamaha Woqooyiga Gaal-Kacyo.
Dadka la rasaaseeyay ayaa waxa ay fadhiyeen agagaarka warshadadii Kabka Magaaladsa Gaal-Kacyo halkaasi oo 2-ruux ay ku dhinteen 3-kalana dhaawac ahaan loola cararay goovbaha Caafimaadka Magalada.
Ciidamada Booliiska Maamulka Magaalada Gaal-Kacyo ayaa goobtaasi soo gaaray iyadoo ay arintaasi baritaano ku bilaabeen sababtii dhalisay rasaasta dadka lagu dilay.
Ammaanka Magaalada ayaa dhawaanahan laga dayrinayay iyadoo aan la garan ujeedada ka danbeysa rasaasta ay fureen Ciidamada pIS-ta Puntland oo dhankooda dacwooyin maalmahan laga gaynayay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments