Ciidamada NATO oo burburiyay Dooni ay wateen Burcad Badeed.
Bartamaha(Somalia):-Ciidamada NATO ee jooga Xeebaha Soomaaliya ayaa waxa ay burburiyeen dooni ay lahaayeen Kooxaha Burcad Badeeda.
Markabka Dagaalka Abasalon oo laga leeyahay Dalka Denmark ayaa dhulka galiyay doon nuuca “mother ship†oo ay wateen Burcad Badeeda Biyaha Soomaaliya .
Doonta ayaa waxa watay Burcad Badeed iyadoo ay doonayeen in ay aadaan dhanka Biyaha Casa wallow Markabka uu ogaaday ka dibna uu quusiyay doontaasi.
Afhayeenka u hadlay ciidanka NATO ayaa sheegay in Doonta ay quusiyeen ay saarnaayeen rag Burcad Badeed ah iyo hubkii ay wateen wallow uu ka gaabsaday in uu muujiyo halkii ay galeen.
Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in qorshahan weerarka ah ay ku doonayaan in ay ku dhimaan awooda Burcad Badeeda ay ku doonayaan in afduub ay kaga sameeyaan meel ka baxsan biyaha soomaaliya.
Markabka ay leeyihiin Ciidamada Badda Denmark ayaa waxa uu dhawaan badda ku dajiyay laba doon oo ay wateen Burcad badeeda.
Ciidamada ANTO oo aad ugu badan biyaha soomaaliya waxa ay tag iyo tabar u la’yihiin la dagaalanka Burcad badeeda oo weli ku dhiiran in ay afduub sameeyaan.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments