Calendar

Ciidamada Nabad sugida Puntland oo maanta xafiiskiisa kala baxay agaasimaha Shirkada Tecom Puntland.

magaalada galkacyoBartamaha(Gaal-Kacyo):-Ciidamada Nabad sugida Maamul Goboleedka Puntland ayaa maanta la sheegay in ay xafiiskiisa ka kexeesteen agaasimaha shirkada isgaarsiinta Telcom.

Ciidamada PISta ayaa la sheegay in ay kexeesteen C/laahi dheera oo ah maareeyaha shirkada isgaarsiinta Telcom Puntland gaar ahaan xarunta woqooyiga magaalada  Gaal-kacyo

Nabad sugida Puntland ayaa la sheegay in ay masuulkaasi u haystaan korontada Magaalada gaar ahaan woqooyiga oo maalmihii la soo dhaafay ay shirkadaasi jaratay taasi oo la sheegay in maamulka ay amar ka soo saareen.

Dhammaan waxaa dansan isgaarsiinta Telcom iyadoo shirkada dhammanteed xiligan shaqa joojin ku dhaqaaqday ka gadaal markii masuulkoodi ugu sareeyay xabsiga ay u taxaabeen PISta Puntland.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: