Ciidamada Maxkamada Dowlada raacsan oo goor dhaweyd dagaal kula wareegay Deg.Mahadaay Ee Gobalka Sh.Dhexe.
Bartamaha(Mahadaay):-Ka dib dagaal qaraar oo saaka aroortii hore ka dhacay degmada Mahadaay Ee sh/Dhexe ayaa gabi ahaanba gacan ku haynta deegaankaasi waxaa kula wareegay ciidamada Maxkamadihii laga saaray Gobolkaasi.
Dagaalkan ayaa waxaa soo qaaday ciidamada maamulkii hore Ee maxkamadaha Sh/dhexe kuwaasi oo maalmihii la soo dhaafay bannaanka ka joogay Mahadaay Iyo Jowhar oo ay horay uga soo eryadeen xoogaga Alshabaab iyo Xizbul islaam.
Gabi ahaanba degmadaasi Mahadaay ayaa waxaa la wareegay ciidamada Maxkamadaha Dowlada raacsan kuwaasi oo la sheegay in ay u sii dhaadhaceen deegaanada dhanka Galbeed ka xiga Mahadaay halkaasi oo ay u carareen ciidamada Alshabaab iyo Xizbul islaam.
Ciidamada maxkamadaha aya la sheegay in uu horkacayo Gudoomiyihii hore Ee Maamulkaasi Sheekh Daahir Cadowl Calsow oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa meel duleedka ka ah Deg.Mahaday halkaasi oo ay xiliya badan ku dagaalameen labada dhinac.
Xaalada Deegaankaasi ayaa kacsan iyadoo aanay jirin wax iska hor’imaad ah oo ka socda gudaha Mahadaay halkaasi oo ay isku balaariyeen ciidamada Maxkamada dowlada raacsan oo aan ilaa haatan wax faahfaahin ah ka bixinin dagaalka manta ay Mahadaay kula wareegeen.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com.
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments