Calendar

Ciidamada Maamulka Somaliland Ee Gobolka Sool oo howlgalo ka sameeyay Laascaanood.

laascaanoodBartamaha(Laas-Caanood):-Ciidamada Ammaanka Somaliland Ee Gobolka Sool ayaa ku dhaqaaqay howlgalo dad badan lagu soo qabqabtay kuwaasi oo lala xiriirinayo qaraxyada Laascaanood.

Howlgalka ayay Ciidamada ka sameeyeen guud ahaan Magaalada Laascaanood Ee Gobolka Sool iyagoo ku qabqabtay kooxo u badan dhalinyaro aan deegaan ku l ahayn Magaaladaasi.

Dadaka la xeray ayaa waxa ay yihiin kuwa u badan dhalinyaro kuwaasi oo ciidamada ay jirdil xoogan kula dhaqaaqeen sida ay xaqiijiyeen qaar ka mida dadka ku dhaqan Magaalada Laascaanod.

Masuul ah Gudoomiye Xigeenka Maamulka Somaliland ee Gobolka Sool Maxamed Cabdi Dhangad oo warfidiyeenada la hadlay ayaa qiray in Ciidamada ay howlgalka kadiska ah sameeyeen guulna ay ka gaareen.

Ninkaasi u hadlay dhanka Maamulka Somaliland ayaa waxa uu sheegay in howlgalkooda uu ahaa mid guul ku dhamaaday oo dad badan xabsiga u yaalaan dhibaato dhanka ammaanka ah oo ay sameeyeen.

Gudoomiye Xigeenka ayaa ku nuux-nuuxsaday in xiligan wixii ka danbeeya ay ammaanka guud ee Gobolka Sool wax badan ka badalayaan oo aanay ugu sii dulqaadan Karin kooxa dilalka iyo qaraxyada ka sameynaya Laascaanood.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: