Calendar

Ciidamada Kenya oo Xalay mar kale qabqabtay dad ay ku jiraan Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya.

kenyaBartamaha(Nairobi):-Ciidamada Kenya ayaa xalay mar kale qabqabtay dad badan oo soomaali ah kuwaasi oo ay ku jiraan Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Dowlada Soomaaliya.

Howlgalkii xalay ka dhacay xaafada Islii ee Magaalada Nairobi ayaa waxaa uu ahaa kii labaad oo ay Ciidamada ku dhaqaaqaan kaasi oo  xabsiga loogu taxaabay Xildhibaano ka mida Dowlada KMG ah iyo shacab aad u badan.

Xildhibaanada ayaa waxaa loogu galay Hotelo ku yaala gudaha Xaafada Islii Ee Magaalada Nairobi halkaasi oo laga qabqabtay iyadoo aan sharciyadooda la su’aalin.

Ganacsato badan oo la qabqabtay qaarkood waxa ay wataan sharciyada Dalka Kenya taasi oo aan la ogayn ujeedada loo soo qabtay iyadoo dhalinyaro badan ay sidoo kale u xiranyiin Ciidamada xalay howlgalka ku dhaqaaqay.

Howlgalka xalay dhacay ayaa waxa uu qeyb ka yahay qorshayaal ay Dowlada Kenya ku  beegsanayso dadka ka soo jeeda Dalka Soomaaliya oo shakki xoogan looga qabo in ay ka danbeeyeen banaanbixii Nairobi ka dhacay.

Shalay gabal dhicii ayay ahayd markii Xabsiga laga soo daynayay in ka badan 12-mudane oo ka mida Baarlamanka Soomaaliya kuwaasi oo shalay oo idil la xirna ashacab badan oo la soo qabqabtay iyadoo aan la kala sonin wallow haatan ay xuriyadooda heleen.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: