Calendar

Ciidamada Itoobiya oo isaga baxay Deegaanka Balan-bale Ee Gobolka Gal-Gaduud iyo waxgaradka Deegaankaasi oo soo dhaweeyay ka bixitaanka Ciidamadaasi.

Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamadan Itoobiyaanka ah ayaa saaka waxaa laga waayay dhammaan fariisinadii ay ku lahaayeen degamada Balanbale Ee Gobilka Gal-Gaduud kuwaasi oo maalmihii la soo dhaafay dhaq-dhaqaayo militari ka waday deegaankaasi oo ay soo buuxdhaafiyen dhawaanahanba.

Askarta Itoobiyaanka ah ayaa waxa ay wadeen beryihii la soo dhaafay howlo ay ku soo galayaan gudaha Deegaanka Balan-Blae iyagoo kulamo la yeeshay waxgaradka Deegaankaasi iyo madaxda Balan-bale kuwaasi oo ay kala hadleen in dhankooda aanay uga imaan weeraro ay abaabulan dhalinyarada deegaanka ah.

Dhammaan askartii itoobiyaanka ahaa ee maalmahanba xatumaha ka samaystay duleedka Balan-bale ayaa waxa ay u jeheesteen dhanka dhulka soomaalida ay dagto Ee Itoobiya halkaasi oo markii horaba ka soo galeen Gobolkaasi Gal-Gaduud .

ka bixitaanka Ciidamadan Itoobiya ayaa waxa ay ku soo aadayaa xilli dhawaan uu si kulul u beeniyay afhayeenka Dowlada Itoobiya Breket Simon in ciidamadooda ay joogaan gudaha dalka soomaaliya taasi oo ay saxaafada caalamka si weyn diirada u saareen askarta ku jirta soomaaliya in aanay itoobiya ka amarqaadan balse ay itoobiyaan yihiin.

Waxgaradka iyo duqowda deegaanka Balanbale ayaa waxa ay si weyn u soo dhaweeyeen sida nabadda ah oo ay askartaasi uga huleeleen deegaankooda iyadoo dad badan ay ka baqanayeen in ciidamadaasi ay howlaglo ka sameyaan gudaha deegaanka taasi oo sabab ka dhigtay in dhaliyaro badan ay halkaasi isaga cararaan.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: