Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya oo weerar ku qaaday deegaano hoosyimaada Xudur
Gudoomiyaha maamulka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool Maxamed Macalin Axmed ayaa shaaciyay in ciidanka dowladda federaalka ee Soomaaliya ay weerar ku qaadeen deegaano hoos yimaada magaalada Xudur,wuxuuna sheegay iney ciidanka u suurta gashay iney cagta mariyaan waxa uu ku sheegay haraadiga Alshabaab oo ku sugnaa deegaanada ay dagaalka ku qaadeen.
Gudoomiyaha degmada Xudur ayaa sheegay in dagaalka ay la galeen Alshabaab ay ciidamada kaga geeriyoodeen 2 askari halka ay 5 kalane kaga dhaawacmeen sida uu yiri,wuxuuna dhanka kale tilmaamay iney khasaaro Lixaad leh gaarsiiyeen kooxda Alshabaab oo uu ku tilmaamay inay ku dhuumaalaysanayeen deegaano ka tirsan gobolka.
Ciidamada Itoobiya oo magaalada Baydhabo ku wareejiyay ciidan ka socda AMISOM ayaa wali ku sugan deegaano ka tirsan gobollada BAY/BAKOOL si ay ciidanka dawlada uga caawiyaan soo celinta goobaha ay Alshabaab ka haysato gobollladaas.
Comments
comments