Calendar

Ciidamada Itoobiya Ee Ku sugan Deegaanka Kala Beyr ee Gobolka Hiiraan ayaa Howlgalo ay dad ay ku qabqabteen ka fuliyay tuulooyinka ku yaala Deegaankaasi.

ciidamadBartamaha(Muqdisho):-Ciidamada dowlada Itoobiya ee maalmihii la soo dhaafay daganaa degaanka Isgoyska Kala Beyr ee Gobalkaasi Hiiraan ayaa waxa ay deegaanada ku xeeran halkaasi ay xalay ka Sameeyeen Howlgalo ay ku qabqabteen dad reer Miyi ah kuwaasi oo ay sheegeen in ay dinbiya ku tuhmeen.

 

Askarta Itobiyaanka ah ayaa xalay fidkii hore waxa ay isku dhereriyeen deegaanka Buura layda ah eek u xeeran Jawiil halkaasi oo ay fariisin ka samaysteen iyagoo saqdii dhexe ee xalay guryahooda kala baxeen ciidamadaasi dhaliyaro gaaraysa ilaa10ruux oo ay sheegeen in ay qorhaynayeen weeraro ay ku qaadaan fariisinadooda.

 

Howlgalkan ayaa waxaa sidoo kale ay ciidamadu ka sameeyeen wadada isku xerta BaladWeyne iyo Kalabeer halkaasi oo ay isku fidiyeen xalay iyadoo aanay u gudbin dhanka magaalada Baladweyne halkaasi oo ay daganyihiin kooxaha diidan joogitaankooda.

 

Ciidamada ayaa waxaa deegaanadaasi in ay baaritaanada ka sameeyaan ku taliyay Saraakiil maamulkii hore ee Gobolkaasi Hiiraan ahayd kuwaasi oo meela gaar ah u far muuqay ciidamada Itoobiyaanka ahaa kuwaasi oo sidaasi ku dhaqaaqay.

 

Dadka dagan Tuulooyinka ku dhowdhow fariisinada askarta itoobiyaanka ah ayaa waxa ay sameeyeen manta barakac weyn kuwaasi oo Si weyn uga baqiqaba in ay ku soo faafaan deegaanadooda isla markaana ay ka qabqabtaan dhalinyarada reer Miyiga ah ee halkaasi dagan.

 

Ma aha markii ugu horaysay ee Ciidamada Itoobiyaanka ah ee dhawaan soo galay Gobalkaasi Hiiraan ay Howlo baaritaana ah sameeyaan iyadoo xilli waliba gaadiidka maraya Isgoyska Kala Beer ay ku sameeyaan baaritaan xoogan iyadoo xiliyada qaar ay kala dagaan dhalinyarada saran gawaarida shacabka ah .

 

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: