Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Beledweyne oo qarax lala beegsaday
Qarax Khsaaro geystay ayaa duhurnimadii maanta Ciidamada Itoobiya waxaa lagula eegtay bartamaha Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Qaraxani oo ahaa sida la sheegay miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa Ciidamada Itoobiya waxaa lagula beegsaday Xaafada Irrid-Aamin ee bartamaha Magalaada Baladweyne halkaasi oo Ciidamada Itoobiyaanka ay ka wadeen howlgallo Miino baaris ah .
Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Irrid Aamin waxaana goobta uu qarax ka dhacay ka agdhawaa Ciidamo Itoobiyaan ah kuwaasi oo Howlo Miino baaris ah waday,waxaana Qarax ku dhaawacmay labo qof oo Rayid ah iyadoona Qarax uu geystay burbur goobo Ganacsi oo ku dhawaa goobta uu Qaraxu ka dhacay oo ah xaafada Irrid Aamni ee bartamaha Magaalada Baladweyne.
Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa isku gadaamay goobta uu qaraxu ka dhacay waxaana ay xireen Xaafada Irrid aamin ee Bartamaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidanka Itoobiya aysan jirin wax khasaare ah oo weerarkan kasoo gaaray.
Comments
comments