Ciidamada Ethiopia oo shacab ku laayay Ceel Dibir.
Bartamaha (Muqdisho):- Ciidamada Ethiopia ayaa dad shacab ah ku laayay Deegaanka Ceel Dibir oo dhaca dhulka ay Ethiopia maamusho.
Ciidanka loo yaqaano New Police ee dalka Ethiopia ayaa dad rayid ah ku gumaaday Deegaanka Ceel Dibir oo horay dagaal uu ugu dhexmaray Ciidankaasi iyo Kooxo Maleeshiyaad Qabiil la dagaalsan Ciidanka Cusub.
Askarta Ethiopia ayaa la xaqiijiyay in ay dileen 6-ruux oo shacab ah iyo 9-kale oo dhaawac ay gaarsiiyeen ka dib markii ay gudaha u soo galeen Deegaanka Ceel Dibir oo Bil ka hor ay Odayaal iyo Haween ku dileen.
Dadka ay dileen Askarta ayaa waxa ay u badnaayeen dhalinyaro Hubaysan oo ay ka dhigeen Hubka ay wateen markii ay soo galeen Deegaankaasi oo horay dagaal looga saaray Askarta New Police Ee Dalka Ethiopia.
Gudoomiyaha Degmada Balambal ee Gobolka Galgaduud Hareeri Xasan Bare ayaa waxa uu ka hadlay dhibaatada ay geysteen Ciidanka Ethiopia isagoo ku Eedeeyay in ay si bareer ah u laayeen dad rayid ah.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in shacabka deegaanka ay dhib badan kala kulmeen Ciidanka Cusub isagoo wacad ku maray in qaab beel ahaan ay isaga difaaci doonaan soo galitaanka Askarta dadka laysa.
Bil ka hor ayay ahayd markii dad rayid ah oo ay ku jiraan Waxgarad iyo Haween lagu dilayay gudaha Deegaanka Ceel Dibir oo ka markii Ciidankaasi ay awood ku soo galeen Deegaankaasi oo ka mida dhulka ay maamusho Dowlada Ethiopa.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika
Comments
comments