Calendar

Ciidamada Dowladda Oo o Gacanta ku dhigay Luuq

Ciidamda dowladda KMG ah ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay degmada Luuq kadib markii ay cagta mariyeen maleeshiyo ka tirsan kooxda Alshabaab oo halkaasi ku sugnayd.

Dadka deegaan ayaa si diirran u soo dhoweeyay ciidamada, iyagoo caleema qoyan lulayay, kuna dhawaaqay erayo soo dhoweyn ah.

Ciidamada ayaa dadka u sheegay in ay guryahooda ku jiraan, mas’uuliyaddooda ammaanna ay iyaga dusha u riteen, waxa ayna saraakiisha ciidamada ballan qaadeen in baacsan doonaan kooxihii magaalada ay ka saareen inta ay gacanta uga soo dhigayaan.

Ciidamada dowlada ayaa waxa ay iminka gacanta ku hayaan inta badan degmooyinka gobolka Gedo, kadib dagaallo ay la galeen maleeshiyada Alhabaab oo ka dhacay goobo ay ka mid tahay Beled Xaawo.

___

Radio Muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: