Ciidamada Dowlada oo saaka rasaaseeyay gaari ay dhac u geysanayeen Wadada Makka Al-Mukarama Ee Muqdisho.
Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada ayaa saaka waxa ay dhac iyo baarasho kula dhaqaaqeen gawaarida shacabka iyagoo rasaaseeyay gaari marayay Wasasa Makka Al-Mukarama.
Ciidamada ayaa waxa ay rasaaseeyeen gaari doonayay in uu ka baxsado dhac iyo baarasho ay saaka wadeen Ciidmada Dowlada gaar ahaan kuwa ku libisan dareeska Ciidamada .
Rasaasta gaariga ayaa waxa ay sababtay dhimashada 1-ruux iyo dhaawaca 2-kale oo ah rakaabkii garigaasi rasaasta lala beegsaday iyadoo in mudda ah ay ciidamada diideen in la qaado dhaawacyada.
Dhaca iyo rasaasta Ciidamada ay saaka ka bilaabeen wadada Makka Almukarama ayaa ku soo aadaya xilli mishaarka Ciidamada ay la’yihiin dhawaana ay cabasho u gudbiyeen madaxda dowlada.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com.
Â
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments