Ciidamada Dowlada oo saaka dagaal kula wareegay bariga Magaalada Balad-Weyn.
Bartamaha(Balad-Weyne):-Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa saaka dagaal kooban ku qabsaday Magaalada Balad-Weyne halkaasi oo dhawaanahan ay ku sugnaayeen Ciidamada Xuzbul Islaam.
Ciidamada Saaka la wareegay B/Weyne ayaa waxaa la sheegay in ay ka soo dhaqaaqeen deegaanka Ceel-Gaal ka dibna ay saaka ku soo jarmaadeen gudaha dhanka Bari Ee Magaaladaasi.
Rasaas culus ayaa mar qura laga maqlay fariisinada Ciidamada Xizbul Islaam gaar ahaan kuwa Sheekh C/raxmaan Mocow Ee bariga Magaalada halkaasi oo daqiiqado ay kula wareegeen Ciidamada Dowlada.
Wararka naga soo gaaraya Balad-Weyne ayaa sheegaya in ay Ciidamada Dowlada ay joogaan dhammaan xarumaha Dowlada sida Saldhiga iyo Xarunta Dowlada .
Lama oga halkii ay jaan iyo cirib dhigeen ciidamadii Xizbul Islaam oo maalmihii la soo dhaafay dhaqdhaqaaqyo ammaanka lagu suganayay ka waday Bariga Balad-Weyne.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments