Calendar

Ciidamada Dawladda oo dad ka qabqabtay Wadada Makka Al Mukarama.

SOMALIA-CONFLICT/Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamada Dowlada ayaa  saaka dad badan ka qabqabtay Wadada Makka Al Mukarama ka dib howlgal kadis ah oo ay sameeyeen.

Howlgal kadis ah oo ay Ciidamada Dowlada saaka ka sameeyeen Wadada Makka Al Mukarama ayaa waxa ay ku qabqabteen dad laga shakisanyahay.

Howlgalka ayaa waxa uu mar kaliya ka bilowday Wadada Dabka illaa Isgoyska KM.4 halkaasi oo ay Ciidamaada ku baarayen gaadiidka dadweynaha.

Baaritaanka ayaa waxa uu yimid ka dib markii Askar badan oo Biiliiska ah lagu daadiyay wadada Makka Al Mukarama si ay u baaraan dhammaan gadiidak wadada maraya.

Howlgalka ayaa waxa uu u muuqanayay in Ciidamada ay ku beegsanayaan dad gaar ah oo ay tilmaam ahaan u heysteen iyagoo dad badan gaadiidka kala dagan.

Gawaarida Booliiska ayaa waxaa lagu qaaday dad badan oo indhaha laga xeray oo u muuqanayay kuwa ay Booliiska si gaar ah u baadigoobayeen.

Dhawaanahan waxaa soo badanayay howlgalka ay Ciidamada Dowlada ka samaynayaan wadada Makka al Mukarama oo ay maraan dhammaan dadka shacabka ah ee magaalada isaga kala gudbaya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: