Ciidamada dowlada oo qarax khasaaro geestay lagula beegsaday Muqdisho
Qarax xoogan ayaa ciidamada dowlada KMg Soomaaliya waxaa lagula eegtay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Qaraxaan ayaa wax uu ahaa bambaanada nuuuca gacanta laga tuuro waxaana lala eegtay goob ay ku sugnaayeen ciidamada dowlada KMG Soomaaliya oo ku taala suuqa wayn ee dedmada Wadajir.
Mid ka mid ah hawaynkii ka agdhowaa halka uu qaraxa ka dhacay oo lahadashay warbaahinta RBC Radio ayaa waxa ay sheegtay in qaraxaan laga tuuray gaari nuuca Soomaalidu u taqaan Homay.
Waxa ayna sheeegtay in ay indhaheeda ku aragtay dhimasho iyo dhaawac badan, iyadoona sidoo kale sheegtay in dadka geeriyooday uu ku jiray askari ka tirsan ciidamada dowlada KMG Soomaaliya.
Qaraxa markii uu dhacay ka dib ayaa ciidamada dowlada KMG Soomaaliya waxa ay soo gaareen halka uu qaraxa ka dhacay waxaana la sheegay in ciidamada dowlada ay gacanta ku dhigeen gaarigii laga dhextuuray qaraxaasi.
Ma jirto wax war oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowlada KMG Soomaaliya oo ku aadan qaraxa maanta lala eegtay ciidamada dowlada KMG Soomaaliya.
___
Raxanreeb
Comments
comments