Calendar

Ciidamada Dowlada oo howlgalo ka fuliyay Wadada Dabka Muqdisho.

dabka isgoyskaBartamaha(Muqdisho):-Ciidamada Booliiska Dowlada KMG ah ayaa maanta howlgalo ay dad ku qabqabteen ka sameeyay Isgoyska Dabka Ee Magaalada Muqdisho.

Howlagalka Ciidamada ayaa waxa uu ahaa mid qorsheysan oo ay dad badan gaadiidka kala dageen ka dib markii ay sheegeen in ay dadkaasi uga shakiyeen la shaqeynta Islaamiyiinta Mucaaradka.

Howlagalka Ciidamada ayaa waxa uu ahaa mid balaaran kaasi oo dad ka ay gawaarida kala dageen ku sheegayay kuwa ka mida Alshabaab iyadoo inta badan dhalinyaro ay ahaayeen dadka ay Isgoyska Dabka ku qabqabteen.

Xiliga Howlagalka ay Ciidamada wadeen ayaa waxa ay dhammaan rakaabka ka soo dajinayeen gawaarida iyagoo saf galinayay ka dibna ka baarayay haddii ay hub wataan.

Howlgalka ayaa waxa uu ahaa mid kadis ah oo dhalinyaro badan loo dhaadhiciyay Xabsiyada Booliiska Dowlada ay maamulaan iyadoo dhawaanahan Isgoyska Dabka ay Howlgalkaasi ku soo badanayay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: