Ciidamada Dowlada oo gawaari Bl-ah ku dhacay Maanta Wadada Warshadaha Muqdisho.
Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamo Dowlada ka tirsan ayaa maanta dhac iyo baarasho kula dhaqaaqay gaadiid badan pp nuuca dadweynaha ah Wadada Warshadaha Magaalada Muqdisho.
Kooxo ku libisay dareeska Ciidamada ayaa waxa ay maanta wadada u galeen gawaari dadweynaha oo gaarayay ku dhawaad 10-gaari oo nuuca BL-ka ah kuwaasi oo dhammaan ay baarasho kula dhaqaaqeen dadkii saarnaa.
Ciidamada ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwo dhawaan la soo dajiyay Warshadii Kabka Ee Magaalada Muqdisho kuwaasi oo Xalay la kulmay dagaal xoogan saakana ku dhaqaaqay baarashada iyo dhaca Bulshada.
Dhammaan Dadkii Maanta wadada loo galay ayaa waxaa laga qaatay wixii hanti ay haysteen iyadoo aanay jirin cid u soo gurmatay oo ka tirsan dhinacyada Ciidamada Daraawiishta ee ku sugan goobta dhaca uu ka dhacay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments