Ciidamada Dowlada oo caawa dhaawac ugu geystay caruur ku cayaraysay Degmada Xamar Jajab.
Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamada Dowlada ayaa caawa dhaawacyo u geystay Caruur ku cayaaraysay Degmada X/Jajab Ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamada Dowlada ayaa la xaqiijiyay in ay rasaas ku fureen Caruurtaasi oo ku cayaaraysay Xaafada iskool Buliisiya Degmada X/Jajab Ee Muqdisho halkaasi oo la sheegay in rasaasta ay ka dhalatay qarax uu Bac ka sameeyey mid ka mid ah caruurtii ku waxyeeloowday rasaastaasi.
Ciidamada ayaa waxay wateen gaari nooca Rooneydka ah, xili ay ku carayeen Barxada Sheerale Degmada Xamar ja jab ee Magaalada Muqdisho.
Gaadiidka Gurmadka deg deg ah ayaa qaaday dhaawacyada caruurtaasi, Haween iyo dhalinyaro ka agdhawaa goobta rasaasta ka dhacday.
Ciidamada dowlada KMG ayaa markii ay fureen rasaastaasi goobta isaga tageen, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha iyo mas’uuliyiinta dowlada KMG oo ku aadan rasaasta caawa ay ku fureen caruurtaasi.
Xariiro aan la samaynay saraakiisha Caafimaadka ayaa waxay noo sheegeen in qaar ka mid ah caruurtaasi xaaladooda caafimaad tahay mid aad u liidata.
Ma ahan markii ugu horaysay oo ay ciidamada Dowlada KMG rasaas ay ku dhintaan kuwo kalena ku dhaawacmaan u geystaan shacabka ku nool Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments