Calendar

Ciidamada Dowlada Magaalada Baladweyne oo gacanta ku soo dhigay mina aan qarxin.

landmine1Bartamaha(B/Weyne):-Ciidamada Dowlada Fd Soomaaliya ayaa maanta howlgalo baaritaana ah oo ay ka sameeyeen xaafado ka mida Degmada Baladweyne Ee Gobolka Hiiraan waxa ay ku soo heleen mina aan qarxin.

Ciidamada ayaa la sheegayaa in ay dhammaan dadka ka ereyeen goob loogu tilmaamay in ay wax ku aasanyihin oo ku taalay Xaafada Howl-Wadaan ee Baladweyne halkaasi oo ay ka soo saareen mina aan qarax samaynin.

Howlgalkan oo ay ku guuleysteen askarta dowlada ayaa waxaa la sheegayaa in ay wadada hareerteeda ka soo saareen mina nuuca rumuudka laga hago taasi oo ay ka soo bixiyeen wadada laamiga ah hareerteeda Xaafadaasi Howlwadaag.

Waa markii ugu horeysay oo ay askarta dowlada Ee Baladweyne la wareegtay ay soo saaraan mina aan lagu guuleysan in la qarxiyo taasi oo noqonaysa ka hortagii ugu horeeyay oo askarta ay ku dhaqaaqeen.

Dhawaan ayay ahayd xiligii bartamaha Magaalada Baladweyne qarax miino lagula eeganayay Sargaal ka mida Ciidamada Dowlada Ee Magaaladaasi la wareegtay kaasi oo xubin ka ahaa madaxda dowlada wakiilka uga ah Baladweyne.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: