Calendar

Ciidamada Dowlada iyo Ethiopian ah ayaa saaka la wareegay guud ahaan Magaalada Baladweyne.

SOMALIA-UNRESTBartamaha(Balad-Weyne):-Ciidamada Dowlada iyo kuwa Ethiopia ayaa saaka si buuxda ula wareegay gacan ku haynta magaalada Balad-weyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Ethiopia oo gacan ka helaya kuwa Dowlada ayaa saaka isku balaariyay guud ahaan magaalada B/Weyne halkaasi oo qeyb ka mida ay dhawaanahan ka joogeen Ciidamada Alshabaab.

Ciidamada ayaa waxa ay la wareegeen guud ahaan Magaalada iyagoo si gaar ah u buuxiyay goobihii ay Xalay saqdii dhexe faarujiyeen Ciidamada Kooxda Alshabaab kuwaasi oo dhaqdhaqaaqa ciidamada iskaashanaya ka dib isaga baxay Magaalada.

Ciidamada Dowlada ioyo Kuwa Ethiopia ayaa lagu soo waramayaa in ay dageen Xaafado ka mida Galbeedka Magaalada B/Weyne iyagoo dagay Xaafadaha Burjida Ciinka iyo Buunda weyn waxa ayna Ciidamada Ethiopianka ay dageen dhanka bari Ee Magaalada sida Xarunta Saldhiga Booliska,Hotel Madiina .

Illaa haatan ma jiro wax faah-faahin ah oo ka soo baxay maamulka Gobolka Hiiraan Ee ku wajahan imaanshaha Ciidamada Ethiopia iyo la wareegitaankoodii guud ahaan Xarunta Gobolka Hiiraan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: