Ciidamada dawlada Soomaaliya oo wali wada hawlgallo ammaanka lagu sugayo
Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya C/xakiim Daahir Saciid ayaa sheegay in ciidamada boolisku ay wali wadaan hawlgallo kala duwan oo lagu sugayo ammaanka caasimada.
Waxaana uu sheegay in hawlgalladan lagu soo qabtay kooxo la sheegay inay yihiin kuwa fuliya weerarada caasimada ka dhaca oo ka tirsan kooxda Alshabaab.
Saxaafadda ayaa loo soo bandhigay hub iyo bambaanooyin laga soo qabtay xaafadaha kala duwan ee Muqdisho kuwaasoo la sheegay inay isticmaalayeen kooxaha dambiilayaasha ee Xamar ka wada ammaan xumada.
Waxaana taliyuhu uu wacad ku maray in gacan bir ah ammaanka lagu qaban doono, isagoo sheegay in marka ammaanka loo barbar dhigo sannadkii hore uu kasoo raayay.
General Saacid ayaa ku eedeeyay siyaasiyiinta qaarkood inay ku lug leeyihiin ammaan darrada ka taagan magaalada Muqdisho.
Comments
comments