Ciidamada dawlada Soomaaliya oo hawlgallo lagu sugayo ammaanka ka sameeyay degmada Afgooye
Guddoomiye Ku xigeenka Dhanka Ammaanka ee Maamulka Degmada Afgooye Mahdi Axmed Xasan oo La hadlay warbaahinta ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay Howl Gallo ay Ciidamada Dowladda ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmadaasi, isagoo sheegay in Howl galladaasi lagu soo qabtay dad Fara badan.
Mahdi Axmed Xasan Guddoomiye ku xigeenka Dhanka Ammaanka Maamulka Degmada Afgooye ayaa tilmaamay in dadka lagu soo qabtay Howl Galladaasi ay Ciidamada Dowladda ka sameeyeen Gudaha Degmadaasi in looga shakisanyahay in ay ka dambeeyeen dilal qorsheysan oo ka dhacay Degmada Afgooye.
Geesta kale Guddoomiye Kuxigeenka ayaa waxa uu Xusay in Baaritaanno lagu sameyn doono dadkaasi la soo qab qabtay , islamarkaana lakala saari doono kadib markii ay Baaritaanada lagu sameeyo , isagoo Carabka ku adkeeyay in Cidii dambi lagu waayo la sii deyn doono, kuwa ay ku cadaatana dambiyada lagu tuhunsanyahay Sharciga la soo taagi doono.
Howl galladaan ay Ciidamada Dowladda Maanta ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose ayaa waxa ay qeyb ka yihiin sida Maamulka Degmadaasi uu sheegay kuwa lagu xaqiijinayo Ammaanka iyadoo ay xusid Mudantahay in Xalay Gudaha Degmadaasi lagu dilay Nin Ciidamada u qaabilsanaa Maamulkii hore.
Comments
comments