Ciidamada dawlada oo wali baaritaano ka wada suuqa bakaaraha oo shalay lagu dilay labo askari
Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa shalay ku toogtay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho laba askari oo ka tisran ciidamada canshuuraha (Minishiibiyo) ee dowladda Soomaaliya, iyagoo dilka kaddib goobta ka baxsaday.
Askartan oo ku gudo-jiray howlo ay canshuuro ku qaadayaan ayaa lagu dhex-toogtay suuqa qudaarta ee Bakaaraha, iyadoo aan la ogeyn kooxaha dilka geystay cidda ay ka tirsanaayeen iyo halka ay u baxsadeen.
Ciidamada dawlada ayaa maanta shaaciyay inay wali wadaan baaritaano lagu ogaanayo cida ka dambaysay dilkaasi.
Waxayna sheegeen inaan ilaa iyo haatan aysan jirin cid loo soo qabtay weerarkaasi balse ay ku raad joogaan kooxo laga shakisanyahay.
Comments
comments
Category : Featured, Wararka Maanta.