Ciidamada Dawlada iyo kuwa AMISOM oo la wareegay degmada Mahadaay
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa maanta la wareegay degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe, kadib markii saakay ay weerar labo jiho ah ku qaadeen.
Sida ay sheegayaan wararka iska hor imaad ayaa ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo Xoogaga Shabaab ee degmada ku sugnaa ku dhex maraya, meel dibada ka ah degmada.
Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan labo ruux ay ku dhinteen iska hor imaadka, waxaana Maamulka degmada Mahadaay uu sheegay inay la wareegeen degmada.
Ciidamada dowladda ayaa tan iyo shalay u diyaar garoobayay inay qabsadaan degmada Mahadaay, waxaana saakay ay ka galeen dhinaca Buundada Sabuun, halka Ciidamada AMISOM ay ka galeen dhanka deegaanka Buurane.
Degmada Mahadaay ayaa magaalada Jowhar waxay u jirtaa 30-KM, iyadoo horay ciidamada dowladda inta tageen ay dib u soo laabteen.
Waa degmadii 3aad ee Gobolka Shabellaha Dhexe ka tirsan ay la wareegaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Comments
comments