Ciidamada Badda Wadanka Australia oo badbaadiyay Markab ay weerareen Burcad Badeeda Xeebah Soomaaliya.
Bartamaha(Boosaaso):-Markab Dagaal oo laga leeyahaya Wadanka Australia ayaa waxa uu badbaadiyay Markab ganacsi xilli ay weerar ku hayeen Burcad Badeeda.
Markabka laga leeyahay Wadankaasi ayaa lagaciisa lagu sheegay  HMAS Toowoomba kaasi oo Burcad badeeda ka badbaadiyay markab marayay xeebaha Boosaaso oo ay weerareen Burcadda.
Sida laga soo xegtay sargaal sare oo ka mida Ciidamada Badda Wadanka Australia waxa uu sheegay in ay Ciidamadooda diyuurado iyo markab ku weerareen Burcad badeed baacsanaysay markab ganacsi oo aan magaciisa la sheegin.
Inta badan maraakiibta dagaalka ee wadamada ay ciidamada ka joogaan biyaha soomaaliya ayaa waxa ay isku dayaan in ay badbaadiyaan Maraakiibta ganacsiga wallow weli ay socdaan afduubka maraakiibta .
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomalaiyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments