Ciidamada Badda Dowlada Turkiga oo gacanta ku dhigay kooxo burcad Badeed Soomaali ah
Bartamaha (Ankara):-Ciidamada Badda Dowlada Turkiga ayaa weerar ku qaaday kooxo Burcad Badeed ah xeebaha Soomaaliya kuwaasi oo qaar ka mida ay ku qabteen biyaha gacanka Cadan.
Weerarka ayaa waxaa la sheegay in uu qaaday markad dagaal oo lagu magacaabo TCG Gediz kaasi oo laga leeyahay Dalka Turkiga iyadoo la sheegay in dagaal qaraar uu dhexmaray Burcad Badeeda iyo Ciidamada Turkiga.
Saraakiil u hadlay Ciidamada Badda Turkiga ayaa waxa ay sheegeen in ay Ciidamadooda badda Dagaal xoogan la galeen Burcad badeeda islamarkaana ay kaalmo ka heleen diyuuradaha dagaalka Turkiga .
Illaa 7-ka mida Burcad Badeeda ayaa la sheegay in lagu qabtay howlgalkaasi dagaalka la iskula riiqmay Ee Turkiga ay ku qaadeen Burcad Badeeda iyadoo ay kaxeesteen raggaasi ay qabteen Turkiga.
Howlgalka aya sameeyeen Ciidamada Badda Turkiga ayaa waxa uu qeyb ka ahaa howlgalo dhawaanahan ay ka wadeen biyaha Soomaaliya oo ay ku baacsanayeen Afduubayaasha Soomaalida ah.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments