Calendar

Ciidamada ammaanka Kenya oo si wayn loogu eedeeyay inay ka gaabsadeen wax ka qabashada ammaanka kadib weerarkii Westgate

Baarlamaanka  Kenya ayaa shalay galinkii dambe yeeshay kulan looga hadlayay ammaanka dalka kadib markii Alshabaab ay qaaday weerar khasaare badan dhaliyay oo lala beegsaday xarun ganacsi  oo ku taalla xaafada Westlands oo kamid ahayd meelaha ugu ammaanka fiican ee magaalada Nairobi.

Gudoomiyaha baarlamaanka Kenya Justin Muturi oo furay fadhiga ayaa ka dalbaday xildhibaanada inay sameeyaan hal daqiiqo oo aamusnaan ah si loo xuso dadkii ku dhibaatoobay weerarkii argagaxa badan dhaliyay ee lagu qaaday Westgate.  Xildhibaanada ayaa muujiyay sida ay u dhaliilsanyihiin hay’adaha ammaanka iyagoo is waydiiyay sida loo soo galiyay dalka hubkii tirada badnaa ee isticmaaleen kooxdii weerarka qaaday kaasoo keenay in ciidamada ay ku qaadato afar maalmood in lasoo gabagabeeyo weerarkaas.

“Waa in su’aalo adag la waydiiyaa saraakiisha ammaanka waayo waxaa ku baxa lacag fara badan oo canshuur bixiyayaasha laga soo qaado”  ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Joyce Laboso.  Xildhibaanka laga soo doorto Westlands Timothy Wanyonyi  oo ay ku taallo xarunta Westgate ee lala beegsaday weerarka ayaa dalbaday in dib loo eego shaqada ay hayaan saraakiisha ammaanka oo uu ku tilmaamay inay ku guul darraysteen shaqadii loo igmaday.

“Weerarkani ma ahayn mid si kadis ah ku dhacay ee wuxuu ahaa mid lasoo qorsheeyay oo muddo dheer laga shaqeeyay” ayuu yiri Timothy Wanyonyi  oo laga soo doorto xaafada Westlands oo is waydiiyay sababta keentay in sirdoonka waddanku ogaan waayaan dhaqdhaqaaqyada ay samaynayeen kooxda weerarka fulisay.  Hogaamiyaha xisbiga talada haya ee aqlabiyada Aadan Barre Ducaale ayaa ku tilmaamay weerarka Westgate inuu ahaa mid hurdada ka kiciyay dawlada oo ay tahay inay dib u habayn ku samayso hay’adaha ammaanka ee dalka.

“Waxaa la gaaray xilligii aan qiimayn ku samayn lahayn saakiisheena ammaanka, waxaa la gaaray xilligii aan is waydiin lahayn shaqo noocee ah bay hayaan raga iyo haweenka maamula ammaanka dalkeena, ammaankeenu waa muhiimada koowaad, waxaan hubaa in madaxweynaha iyo dawladiisa ay wax ka qaban doonaan arrinkan” ayuu yiri Ducaale.  Hogaamiyaha xisbiga aqlabiyada ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in magaalada Gaarisa oo isaga laga soo doorto ay ka dhaceen weeraradii ugu badnaa ee argagixiso wuxuuna sheegay in weerarada Gaarisa ka dhacay ee kaniisadaha lagu qaaday in looga gol lahaa sidii Kenya loo galin lahaa dagaal u dhexeeya muslimiinta iyo masiixiyiinta.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: