Calendar

Ciidamada Ammaanka B/Weyne oo sameeyay Howlgalo ay dad ku qabqabteen bariga Magaaladaasi

hiiraan-map-300x225Bartamaha(Balad-Weyne):-Ciidamada Ammaanka Bariga Magaalada Balad-Weyne ayaa saaka howlgalo ay sameeyeen waxa ay ku soo qabteen dhalinyaro lagu Eedeeyay Burcadnimo.

Ciidamada Maamulka Sheekh C/raxmaan Macow bariga Magaalada Balad-Weyne ayaa waxa ay xabsiga dhigeen 5-dhalinyara ah oo lagu Eedeeyay falal burcadnimo ah.

Raga la qabtay ayaa la sheegay in ay fal burcadnima ah ay ka wadeen Bariga Magaalada halkaasi oo dhawaanahan jahawareer siyaasadeed laga dareemayay.

Ciidamada ayaa waxa ay xabsiga u taxaabeen dhalinyarada oo dhammaantood la sheegay in ay ahaayeen kooxo mukhaadaraad isticmaalayay islamarkaana mindiyo wax ku dhacayay.

Waa Howl-galkii ugu horeeyay ay si toos ah u sameeyaan Ciidamada Maamulka Sheekh C/raxmaan Mocow bariga magaaladaasi oo ah maamul ka madax banaan Islaamiyiinta Mucaaradka iyo Dowlada Soomalaiya intaba.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: