Ciidamada Amisom oo xalay geel badan ku laayay wadada Garoonka diyaaradaha Ee Muqdisho ka dib markii ay ka shakiyeen.
Bartamaha (Muqdisho) Ciidamada Amisom ayaa xalay waxa ay toogasho ku dileen illaa 11-neef oo Geel ah xilli ay marayeen Wadada hormarta garoonka diyaaradaha Ee Muqdisho halkaasi oo saaka maydadka geela laga helay.
Dadka dagan wadada Air-portka Muqdisho ayaa u sheegay www.Bartamaha.Com in xalay saqdii dhexe ay maqleen dhawaqa rasaas culus taasi oo ay la socotay Ololka uu samaynayo geel fara badan oo wadadaasi ay Ciidamada ku rsaaseynayeen Ciidamada AMisom .
Illaa 11-neef ayaa ku geeriyootay 3-kalana waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii Ciidamada Amisom ay xalay rasaas la beegsadeen geel lagu waday in lagu qalo Kawaanka Gowraca Madiina.
Ciidamada Amisom ayaa la sheegay in ay ka shakiyeen geelaasi oo si raxan ah u socday islamarkaan ay wadeen dad aan aqoon u lahayn wadooyinka la maro Ee Magaalada Muqdisho.
Saaka aroortii hore ayaa dadka deegaanka Wadajir iyo qeybo ka mida Magaalada waxa ay daaqsho u tageen geel la mooday kooxo weerar wada oo xalay Ciidamada AMISOM ay si bareer ah u laayen.
Waraka ayaa intaasi ku daraya in ay socdaan dadaalo geelaasi sidii loo gudi lahaa ku aadan taasi oo ay wadaan Madax ka tirsan Dowlada Soomaaliya oo xiriira la sameeyay Saraakiisha Ciidamada Amisom.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments