Ciidamada Amisom oo saaka la wareegay qeybo badan oo ka mida Wadada Warshadaha iyo dagaal qaraar oo halkaasi ka socanaya.
Bartamaha (Muqdisho):-Ciidamada Amisom ayaa saaka la wareegay wadada Warshadaha inteeda badan halkaasi oo ay horey fariisino ugu lahaayeen Islaamiyiinta Mucaaradka ah
Â
Dabaabaadka Ciidamada Amisom oo ah hareera socdaan askarta Nabad-ilaalinta ayaa waxa ay aroornimadii hore Ee Saaka la wareegeen wadada Warshadaha inteeda badan waxaana ay gaareen dhismihii Hotelka Sprtska ee Satadio Muqdisho.
Dagaal qaraar ayaa waxa uu Ciidamadaasi uga bilowday dhanka Wasaarada Gaashaandhiga iyo Warshadii Taraqa iyo Sigaarka iyadoo madaafiic ay ku garaaceen Taangiyada Amisom saldhiga Islaamiyiinta Ee Stadio Muqdisho.
Xaalada ayaa kacsan waxaana haatan uu dagaalka ka socdaa Wasaaradii Gaashaandhiga halkaasi oo Ciidamada Amisom ay isugu soo urureen ka dib markii dagaal kooban ka dib ay ka soo laabteen Wadada Ifka Xalane iyo Stadio Muqdisho.
Wixii warar ah Ee Dagaalkaasi ku aadan kala soco www.Bartamaha.Com Haddii Allaah uu idmo.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments