Ciidamada AMISOM oo qarax lagula beegsaday magaalada Muqdisho
Qaraxaani oo ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada AMISOM kuwaasi oo la shaaciyay in ay ka yimaadeen Xerada Maslax ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ku bas beelay gaari ay wateen Ciidamada AMISOM kaasi oo la sheegay in uu ku sii dul dhacay gaari kale oo sahay u siday Ciidanka AMISOM.
Ciidamada AMISOM ayaa qaraxa kadib furay Rasaas , iyagoo xiray goobta uu qaraxu ka dhacay.
Qaraxa lala beegsaday AMISOM ayaa yimid maalin kadib markii weerar lagu xasuuqay dad isugu yimid makhaayad ku taal gurigaa hooyooyinka oo kaabiga u saaran madaxtooyada Soomaaliya halkaasoo ay ku dhinteen dad gaaraya 23 qof dhaawacuna uu yahay ilaa 30.
Waxaana weerarkii shalay sheegatay kooxda Alshabaab oo ku tilmaantay dadkii ay laysay inay ahaayeen sirdoon u shaqeeya dawlada Soomaaliya.
Comments
comments