Ciidamada Amisom oo Madaxtooyada Soo buuxiyay iyo dhaqdhaqaaq xoogan oo socana.
Bartamaha(Muqdisho):-Xarunta Madaxtooyada ayaa maanta laga dareemayaa dhaqdhaqaaq aan abid lagu arag Ciidamada Amisom iyadoo Taangiyo badan xaruntaasi la galiyay.
Ila wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Warbaahinta www.Bartamaha.Com u sheegay in Ciidamada Amisom ay abaabul iyo guluf xoogan wadaan iyadoo Hubka culus la galiyay madaxtooyada.
Ciidamada Amisom ayaa waxa ay xaruntaasi galiyeen gawaarida ay saaranyihiin PM-ka iyo Taangiyo fara badan oo aan magaalada inta badan lagu arki jirin.
Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Taangiyo gaaraya 7-Taangi si rasmi loogu gacan galiyay Ciidamada Dowlada iyadoo lagu buufiyay astaanta Qaranka Soomaaliyeed.
Ciidamada Amisom ayaa waxa sidoo kale xarunta Madaxtooyada geeyeen Mishiin samaynaya dhagaxyada Shubka ee dhufayska laga dhigo iyo Wiishashki lagu qaadi lahaa.
Dhaqdhaqaaqa ay Ciidamada Amisom ka wadaan Madaxtooyada ayaa ah mid aan horay loogu arag xaruntaasi iyadoo ay qeyba aan sidaa u badnayn ay markii hore ka daganaayeen.
Wixii war ah ee ka soo baxa dhaqdhaqaaqa Ciidan ee socanaya kala xiriir www.Bartamaha.Com
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments