Ciidamada AMISOM oo la qorshaynayo inay kala dhexgalaan maleeshiyaad beeleed ku dagaallamaya Marka
Maalmihi u dambeeyay ayaa waxaa socday dagaallo soo noqnoqday oo u dhexeeya maleeshiyaad beeleed kuwaasoo ku dagaallamaya magaalada Marka, ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose.
Maamulka gobolka ee dawlada Soomaaliya ay u magacowday ayaa shaaciyay in lakala dhex gali doono maleeshiyaadka dirirtu ay u dhexayso, isla markaana ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada la qorsheeyay inay joojiyaan dagaallada soo noqnoqday ee ka dhaca Marka.
Qaar kamid ah maleeshiyaadka deegaanka ayaa kasoo horjeeda madax ka tirsan maamulka gobolka iyo taliska ciidanka iyagoo u arka inay yihiin dad aan deegaankooda u dhalan oo ay ku eedaynayaan inay ka yimaadeen gobollada dhexe.
Comments
comments
Category : Featured, Wararka Maanta.