Ciidamada Amaanka ee Maamulka Islaamiga ee magaalada Kismaayo oo Howlgalo ay Sameeyeen 24kii saac ee Ugu dembeyeey Ku soo Qab qabtay ilaa iyo 4Nin oo lagu soo Eedeeyey Falal burcadnimo
 Howlgaladan oo 24kii saac ee aynu soo Dhaafney Ciidamada Amaanka ee Maamulka Islaamiga ee Magaalada kismaayo ay Ka sameeyeen tuulooyin iyo Deegaano Badan oo ku Xeeran Dhinaca Waqooyi ee G/J/Hoose ayaa Waxa ay Ku soo Qab qabteen ilaa iyo 4Nin oo Lasheegay in ay Ciidamada Amnigu Gacanta ku soo Dhigeen Ayaga oo Baaranaya Dad iyo Gaadiid Ku safrayey Wadada Dheer ee Isku Xirta Magaalada Kismaayo Iyo Deegaanada Waqooyi ee G/J/Hoose
Ragani Dhalinyarada ah oo Ka kooban ilaa iyo 4 nin ayaa iminka Waxay ku Xir xiranyihiin Xabsiga dhexe ee Magaalada Kismaayo waxaana lagu wadaa in Maalmaha Soo socda la soo Lasoo Taagi Doono Maxkamad islamarkaana Lagu Qaadi doono Waxa ay kaqabto Shareecada Islaamka Sida uu Saxaafada Uxaqiijiyey Taliye Ku xigeenka 1Aad ee Xabsiga Dhexe ee Magaalada Kismaayo oo Kamid Ahaa saraakiishii Howlgaladaasi fulisay islamarkaana Gacanta Ku soo Dhigay Ragani Dembiilayaasha ah
Ayadoona Howl galadani iminka si aad ah looga dareemayo Gudaha Magaalada Kismaayo islamarkaana Xilliyada Habeenkii ah La Arkayo Ciidamada Amaanka ee Maamulka Islaamiga oo Roondooyin Amni Sugid ah ka Sameynaya Xaafadaha Kala duwan ee Magaalada Kismaayo iyo Si doo kale Deegaano Badan oo Dhaca dhanka Waqooyi ee Magaalada Kismaayo si ay u xaqiijiyaan xaalada amaan ee guud ahaanaba G/J/hoose  waxayna Saraakiisha Ciidamada amaanku Ka codsadeen qeybaha Kala Duwan ee Bulshada in ay taageeraan Ciidamada Amaanka islamarkaana ay soo Sheegaan Meel waliba oo ay ku Arkaan Dadkani Caadeeystay Falalka Amaan darro
Talaabadani ay Qaadeen Ciidamada Amaanka ee Maamulka Islaamiga ee Magaalada Kismaayo ayaa Ku soo beegmeysa xilli maalmihii ugu dembeeyey Falal amaan daro laga Soo sheegayey  Deegaano iyo Tuulooyin badan oo kuyaala Dhica Waqooyi ee G/J/Hoose Halkaasi oo Lasheegay in ay Ka Qowleysan Jireen kooxo Hubeysan oo Aan heybtooda lagaraneyn waana markii ugu horeysay ee Falal amaan daro laga dareemo qeybo kamid ah Goboladani Jubbooyinka Tan iyo intii ayGacan kuheyntooda  lawareegeen xoogaga islaamiyiintaa
Â
Wararka Xaqiiqda ah kala Soco www.Bartamaha.com
Ismaaciil Cali
Kismayo-Somalia
Comments
comments