Ciidamada Amaanka Degmada Buurdhuubo oo Howlgallo ay Dad ku soo qabqabteen ka fuliyay Gudaha Magaalada Buudhuub ee Gobolka Gedo..
Â
                                                           Â
Bartamaha(Kismayo):- Ciidamada Maamulka Ururka Xizbul Islaam ee ka arimiya Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa howlgalo ay ku soo qab qabteen Dad Gaaraya ku  dhawaad 10-qofood oo lagu tuhmay in ay ku lugleeyihin Falal Amaan darro ah oo ka soo cusboonaaday Maalmihii lasoo dhaafay Degmada Buurdhuubo iyo Deegaanada ku dhow dhow.
 Maamulka Islaamiga ah ee Degmadaaasi Buurdhuubo ayaa sheegay in dhowrkii Maalmood ee la soo dhaafay howlgalo balaaran oo ay ka fuliyeen deegaanka Buurdhuubo iyo Deegaanada ku dhow dhow in ay ku soo qab qabteen ilaa 10-ruux oo lagu tuhunsanyahay in ay ka dambeeyeen falal amaan daro oo maalmihii la soo dhaafay ka jiray degamada Buurdhuubo iyo Deegaanada ku dhow dhow.
 Daahir Max’uud Buneyste oo ka mid ah saraakiisha Maamulka  Ururka Xizbul Islaam ee Magaalada Buurdhuubo oo saakay u waramay Bartamaha ayaa sheegay sheegay in howlgaladaasi ay ka fuliyeen degmada Buurdhuubo iyo nawaaxigeeda islamarkaana ay ku soo qabqabteen ilaa 10 qof kuwaasoo uu sheegay in ay soo saari doonaan Maxkamad.
Dhinaca Kale Maamulka ayaa sheegay in laga bilaabo Maanta Xiligii habeenkii ah abaarihii 9-ka Fiidnimo ilaa 6-aroornimo ay ku soo rogeen gudaha Magaalada Buurdhuubo Bandow kaas oo socon doonaa Mudo 6 Maalmood ah.
Sikastaba ha ahaatee Howlgallada Maamulka ay sameynayaan ayaa la filayaa in ay noqdaan kuwo soo celiya Amaanka Magaalada buurdhuubo oo ahaa mid sii Xumaanaya Maalmihii aynu kasoo gudubnay.
Ismaaciil Cali Cabdi
Bartamaha New
Kismayo-Somalia.
Comments
comments