Ciidamada Alshabaab oo la wareegay xaafado ka mida Magaalada Balad-Weyne xilli Ciidamo Ethiopian ay maanta soo galeen Magaaladaasi.
Bartamaha (Balad-Weyne):-Â Ciidamada Xarakada Alshabaab ayaa dagaal xoogan ka dib waxa ay la wareegeen xaafado badan oo ka mida Magaalada B/Weyne iyadoo magaaladaasi laga maqlayo rasaas teel-teel ah.
Wararka naga soo gaaray Magaalada Balad-Weyne ayaa waxa ay sheegayaa in galabta Deegaano ka mida B/weyne ay la wareegeen Ciidamada Xarakada Alshababaab oo dagaal ba’an la galay Ciidamada dowlada Fd Soomaaliya.
Xaafada Howl-Wadaag Ee galbeedka Balad-Weyne ayaa la xaqiijiyay in ay la wareegeen Ciidamada Alshabaab ka dib dagaal ka soo bilowday duleedka magaalaasi taasi oo sabab ka dhigtay in xarakada Alshabaab ay u suurta gasho la wareegitaanka Galbeedka B/Weyne.
Ciidamada dowlada ayaa la sheegayaa in ay guud ahaan faarujiyeen Xaafadaasi iyadoo lagu soo waramayo in haatan ay rasaas ka dhacayso Xaafadaha ku dhowdhow Saldhiga Shantaraale oo qeyb ka ah bariga magaalada.
Jawiga Balad-Weyne ayaa ah mid aad u kacsan iyadoo Ciidamada dowlada ay dhaqadhaqaaqyo ka wadaan Bariga magaalada iyagoo isku dayaya in ay dib u gaaraan xaafadaha Galbeedka mnagaalada ah.
Dagaalka duhurnimadii maanta ka bilowday Degmadaasi ayaa waxa uu imaanayaa xilli Ciidamo Itoobiyaan ah ay soo dageen Deegaanka Janta Kun-disho oo dhacda Duleedka magaalada iyo xarunta Garoonka diyaaradaha oo ay saldhigo ka dhigteen Ciidamadaasi.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments