Calendar

Ciidamada Alshabaab oo gacanta ku soo dhigay Kooxihii weeraray Xafiiska Hay’adda WFP Deegaanka Waajid Ee Gobolka Bakool.

00000Bartamaha (Waajid):- Ciidamada Kooxda Alshabaab ayaa soo qabtay kooxihii dhawaan weeraray xarunta hay’adda WFP Waajid halkaasi oo kooxahaasi ay ku waxyeeloobeen.

Ciidamada Xarakada Alshabaab ayaa la sheegayaa in ay soo qabteen kooxo habeen hore weerar qasaara sababay ku qaaday xarunta hay’adaasi gudaha Deegaanka Waajid Ee Gobolka Bakool.

Howlgalka ay maanta sameeyeen Ciidamada Kooxda Alshabaab ayaa la xaqiijiyay in ay ku saacideen dadka deegaanka taasi oo suurta gal ay noqotay in ay soo qabtaan qaar ka mida kooxihii weerarka geystay.

Kooxaha la soo qabtay ayaa waxaa ka mid ahaa qaar dhaawacya qaba kuwaasi oo waxyeela ay ka soo gaartay weerarkii ay 3-nin kaga dhinteen habeen hore ka dib markii ay weerar ku qaadeen WFP.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Kooxda Alshabaab ee howlgalka maanta ku dhaqaaqday iyadoo lagu soo waramayo in ay jirto isku dhac uu howlgalkaasi sababay.

Xafiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: