Ciidamada Alshabaab Kismaayo oo nin ku dishay duleedka Magaaladaasi.
Bartamaha(Kismaayo):-Ciidamada Alshabaab Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay dileen nin ku sugnaa duleedka Magaaladaasi iyadoo la sheegay in uu burcad ahaa.
Ciidamada Maamulka Kismaayo oo rondo ku samaynayay wadooyinka ka baxa Kismaayo ayaa waxa ay dileen nin la sheegay in uu Burcad ahaa kaasi oo ku qaldamay gaariga Ciidanka.
Saraakiisha Maamulka Kismaayo ayaa waxa ay sheegeen in ninka ay dileen uu malaynayay gaariga Homeyga ah oo ay askrata saarnaayeen mid shacab ah islamarkaana uu rasaas ku riday.
Rasaasta ka dib ayay sheegen saraakiisha ammaanka in la dilay ninkaasi oo ahaa nin Burcad ah oo doonayay in uu dhac u geysto gaariga haddii uu ahaan lahaa mid rakaab ah.
Dilka ayaa waxa uu ka dhacay wadada isku xerta Tuulada Yoontooe iyo Magaalada Kismaayo oo horay koox hubaysan ay dadka ugu baaran jireen.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments