Ciidamada Alshabaab iyo kuwa Xizbul Islaam oo loo hayso hanti dhawaan lagu dhacay Gobolka Sh/Hoose.
Bartamaha(Wala-Weyne):-Kooxaha Alshabaab Iyo Xizbul Islaam ayaa loo haystaa hanti dhawaan ay dhaceen Kox wadada u gashay gaari rakaab ah.
Saraakisha Labada Koox eek ala maamula Walaweyn iyo Buur-Hakaba ayaa saacadihii ugu dambeeyay ka shirayay waxa ay ka yeeli lahaayeen Kooxihii dhacay gaariga ganacsatada ay lahaayeen.
Ganacsato ka soop jeeda Degmada Walaweyn ayaa dacwad ka geysay Ciidamada Alshabaab Deegaankaasi Maamulkiisana ay diideen in ay qaataan masuuliyada dayacaada ammaanka.
Dhanka Xizbul Islaam maamulkoda Leego ayaa waxaa la gaarsiiyay warqad looga dalbanayo in ay bixiyaan lacagta laga dhacay gaariga ku sii jeeday Buur-Hakaba oo lagu dhacay wadada u dhexeysa Deegaanada ay kala haystaan Alshabaab iyo Xizbul Islaam.
Dacwada haatan weli taagan ayaa waxa ay timid markii lacag dhan 30-Milyan oo shilin soomaali ah looga dhacay ganacsato reer Walaweyn ah Deegaanka Leego meel u dhow.
Ganacasatada ayaa waxa ay ku duudeen sida uu sheegay mid ka mida saxafiyiinta oo magaciisa qariyay in ammaan darada ay masuulk ka yihiin labada Ciidan maadaama xiliyada habeenkii aanay ogolayn in lagu dhaxo saldhigyada ay leeyihiin meelo ku dhow.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed Bartamnaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments