Ciidamada Alshabaab Bakool oo xabsiga dhigay 8-Haween la sheegay in ay Shareecada ku dhaqmi waayeen.
Bartamaha(Xudur):-Ciidamada Xarakada Alshabaab Gobolka Bakool ayaa xabsiga u taxaabay 8-Haween ah oo la sheegay in ay ku dhaqmi waayeen Shareecada Islaamka.
Howlgal ay Magaalada Xudur ka sameeyeen Ciidamada Alshabaab ayaa waxaa lagu soo qabtay illaa 8-haween ah kuwaasi oo la sheegay in ay u hogaansami waayeen amarada Maamulka.
Haweenka ayaa waxaa la xaqiijiyay in lagu qaaday gawaari dagaal oo ay wateen Kooxda Shabaab kuwaasi oo la sheegay in loo taxaabay Xabsi aan la garan halka uu deegaanka uga yaalo.
Illaa haatan ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Madaxda Alshabaab Bakool wallow la sheegay in dhawaanahan ay socanayeen amaro la dul dhigayay haweenka Gobolkaasi.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Â
Comments
comments